|

Xarakada Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Kismaayo

Kismaayo Feb 24 2013 (SDN)– Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaalkii ay ka madaxbanaanaayeen ee ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo ah wakiilka Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku fashilmeen sugidda ammaanka Kismaayo.

Wakiilka Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku fashilmeen xaqiijinta ammaanka Magaaladaasi.

Shacabka Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in dagaalkaasi uu kasoo gaaray khasaaro kala duwan maadaama sida uu tilmaamay shacabka Kismaayo ay nabad ku seexan jireen.

Dagaalka shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu udhaxeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni iyadoo ilaa iyo iminka maamulka KMG ee Kismaayo aysan ka hadli dagaaladaasi.

SDN-Kismaayo 

Comments are closed