|

Koffi Anaan oo Kiinya u diray Baaq Doorashooyinka ku Wejahan

Nairobi Feb 24,2013(SDN)-Xoghayihii  hore ee qaramada  midoobay  Mr. Koofi Anaan  ayaa manta  u diray  madaxda  iyo siyaasiyiinta dalka Kiiniya  dhambaal  uu kaga  dalbanayo  in doorashada guud ee dalka ka qabsoomi doonta toban cisho  ka dib ay  si xor iyo xalaal ah u dhacdo .

Dhambaalkan  uu soo diray Mr. Koofi Anaan  waxa uu intaasi  ku  daray digniin uu ujeedinayo umada dalkaasi oo dhan , in aan dalka dib loogu celin  ayaamihii madoobaa ee xasuuqa badani dalka ka dhacay markii lagu  murmay doorashadii guud ee labadii kun iyo  todobadii dhacday  .

Geesta kale , Mr. Anaan ayaa  hormaad ka ahaa xalinta murankii siyaasadeed iyo dajinta  xaalada murugsan ee dalkaasi ku timid  doorashadii hore  ka dib , taas oo u dareemay  Mr. Koofi Anaan  xaalad kacsanaan ahi ka dhex aloosan  tahay  garabyada xusibiyada  waa weyn ee dalkaasi imika  ,  iyadoo  la  helay  waraaqo loogu  hanjabayo madaxda  garsoorka dalkaasi iyo  siyaasiyiinta  caan ah .

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed