|

Khilaafka Siiriya: Golaha Mucaaradka Qaran oo ka baxay wadahadaladii socday

Dimishiq Feb.23, 2013 (SDN)- Golaha Isbahaysiga Qaran ee dalka Siiriya, ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen wadahadalo xidhiidh ah, kuwaasoo ahaa kuwo caalami ah oo lagu raadinayay xal-u-helida qulqulatooyinka dalkaas.

Mucaaradka SNC waxay ka bixitaankooda wadahadaladan ku macneeyeen, wax ay ugu yeedheen ‘ceebta’ in lagu fashilmay in la joojiyo rabshadaha.

Kooxda SNC waxay sheegtay inay go’aansadeen in aanay ka qaybgalin shirka ‘Kooxdaynta Saaxiibada Siiriya’ oo sida qorshaysan bisha dambe ka dhacaya magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Sidoo kale, kooxdu waxay hoosta iska dhigtay casuumada wadahadalada Washington iyo Moscow, siday ku warantay qaybta dunida la hadasha ee BBC News.

War-muriyeedka SNC waxa lagu sheegay in taageerada Ruushka ee taageerada hubka ee xukuumadda Madaxweyne Bashaar Al-Assad. “Aamusnaanta Caalamka ee fulinta dambiyada maalinlaha ah eek a dhanka ah dadkayagu, waxay ku socdaan sannadkii labaad ee dilalku socdaan,” ayuu yidhi warsaxaafadeedka Isbahaysiga Qaran ee Siiriya.

 

Qurbejoog.com, Dimishiq

Comments are closed