Shir Gudoonka Baarlamanka Somaliland oo Cadeeyay inay Xal ka gaadheen Khilaafkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa Mudane Saylici u dhexeeyay
Hargaysa 23.Feb (SDN) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu Weheliyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida ayaa Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Magaalada Hargaysa waxay ku Shaaciyeen inaanu Jirin Wax Khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa iyagoo Sidaas ku Sheegay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hargaysa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro ) oo uu Weheliyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac .
Shir Gudoonka Golaha Baarlamanka oo Warfidiyeenada kula hadlayay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa Caddeeyay inay soo afjareen Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku xigeenkiisa Md.Saylici .
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cirro ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay inay Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisu ku heshiiyeen inay si wada jir ah gacmaha iskugu qabsadaan fulinta waajibaadka qaranku u igmaday, Waxaana hadalkiisa ku Mid ahaa ”Waxaanu halkan ka cadaynaynaa in la soo afjaray khilaafkii ka dhexeeyey madaxweynaha iyo madaxwayne k xigeen oo aanu soo jeedinyyey in ay soo afjaraan iyaga oo danta guud ee qaranka eegayaan wixii khilaaf ah ee la maqmaqlayey waxaan shacabka reer somalland iyo saxaadada u cadaynayaa in madaxwaynaha Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo ku xigeenkiisa Md Cabadiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ay soo afjareen kuna heshiiyeen in ay siwada jira qamcaha isu qabsadaan markii aanu dhegeysanay in madaxwayanaha iyo ku xigeenkiisaba waxay aqbaleen in ay soo afjaraeen dhameeyeena wixii khilaaf ah ee aad maqasheen ee idin soo gaadhay kuna heshiiyeen in ay gamcaha isu qabsandaan wixii waajibaad ah ee ka dhexeeya ee wixii khilaaf ah waxaan shacabka reer Somaliland u xaqiijinayaa in ay soo dhameeyeen soona afjarmeen kuna heshiiyeen in ay meel ugu soo wada jeestaan wixii waajibaad ah ee dastuurku u igmaday .”
Ma aha Markii Kowaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ku xigeenkiisa Md.C.raxmaan Saylici uu Khilaaf soo kala dhex galo.
Hargaysa SDN.