|

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Beeniyay in Ganacsade Al Jaabiri uu Maxjarkiisii Berbera u rarayo Magaalada Muqdisho

Hargaysa 23.Feb (SDN)   Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir ayaa maanta beeniyay Warar Sheegaya  in Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Berbera in loo Wareejiyay Meelo Kale.

Wasiirka  xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-daahir  Cali wuxuu Sheegay in Magaalada Berbera ay ku yaalaan laba Maxjar oo ah kuwa lagu baadho caafimaadka Xoolaha ka dhoofaya dekeda berbera isla markaana ay kala leeyihiin Indha deero iyo Al Jaabiri isagoo intaas ku daray inaanay Jirin Wararka ku tiri ku teenka ah ee Sheegaya in ganacade Al Jabiri uu uu Maxjarkiisa Berbera u rarayo Magaalada Muqdisho,Waxaana Hadalkiisa Ka Mid ahaa ” Berbera waxa ku yaala laba maxjar oo ay kala leeyihiin  Indhadeero , Al-jaabiri, waxna kama jiraan wararkaasi sheegaya in ay u rarayaan Muqdisho , ganacsatadu waxay xaq u leeyihiin in ay meelo kala duwan ka watan ganacsigooda balse kan  Berbera in loo rarayo Muqdisho waxba kama jiraan manaan maqal anigu”.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee  Somaliland waxa uu ku dooday in guud ahaan maxjarada Somaliland ku yaalaa aanay la mid ahayn kuwa kale ee Somalia isla markaana ay ka Tayo Wanaagsan Yihiin Kuwa ku Yaala Somalia .

Hargaysa SDN.

Comments are closed