Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ku riday Eedeysanayaal
Muqdisho Feb 23 2013 (SDN)– Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday rag eedeesanayaal ah kuwaasi oo maanta kasoo muuqday maxkamada.
Dadka maanta la xukumay ayaa tiradooda waxa ay gaareysa 7-kuwaasi oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan halka sidoo kale 5- la fasaxay kadib markii dambe lagu waayay halka sidoo kale 8-kalena dib loo dhigay dacwadooda.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunka isaga oo sheegay in dadka la xukumay ay ku eedeesnaayeen dambiyo kala duwan oo kala ah dhac iyo sidoo kale waxyaabo kale.
Xukunada dadkaan lagu riday ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 8,9-ilaa afar sano oo xukuno kala duwan ah.
Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa fulisa xukuno kala duwan dadka lagu helo kiisaska kufsiga iyo sidoo kale dhaca.