Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo Xadhiga ka jaray Dhismayaal Cusub
Boorama 23.Feb (SDN) Badhasaabka Gobolka awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa maanta xadhiga ka jiray dhismaha xarunta cusub ee maamulka Gobolkaasi oo dhowaan dhismaheeda la dhamaystiray.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Gobolka oo ay ka soo qayb galeen Mayorka iyo Xoghayaha Dawlada Hoose iyo isuduwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banana ee Gobolkaasi ayaa waxaa hadalo kooban ka jeediyey saleebaan xasan xaddi mayor-ka Magaalada Boorame iyo Xoghayaha dawlada hoose Maxamed cabdi xaashi (Xamari)), gudoomiye ku xigeenka Gobolka Cabdi Nuur Sugaal. Waxay soo dhoweeyeen dhamaystirka dhismayaasha cusub iyagoo dhanka kalena ballanqaaday inay badhasaabka ula shaqayn doonaan si wanaagsan.
Salaadiin iyo waxgarad kala duwan oo ka soo qayb galay kulankaas ayaa iyaguna si weyn u faahfaahiyey nabadgelyda iyo horumarka ka socda gobolka.
Badhasaabka gobolka cabdoo axmed aayir ayaa isna kulankaa ka muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku hawlgalo xarun cusub oo dhismayaasheeda hadda la dhamaystiray, waxuuna ka codsaday in guud ahaan bulshada iyo maamulkuba ay ula shaqeeyaan si buuxda taasoo wadada u xaadhaysa sidii uu u gudan lahaa waajibaadka looga xilsaaray gobolkan.
Boorama SDN.