Dagaal qasaaro geystay oo ka qarxay maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose
Kismaayo Feb 23 2013 (SDN)— Dagaal qasaaro geystay ayaa maanta ka bilaawday Magaalada Kismaayo kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Raaskambooni iyo Maleeshiyo beeleedyo ka soo horjeeda.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijinayay in dagaalka uu ayahay mid xoogan islamarkaana uu xoogiisa ka soconayo Xaafada Calanley oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Inta la xaqiijiyay 5-ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay dadkalana waxaa larumeysan yahay in ay dhawacmeyn inkastoo warar madaxbanaan oo faah faahsan aan la helikarin madaama Isgaarsiinta Magaalada ay go’antahay.
Dagaalka waxaa la sheegay in uu ka bilaawday Markii la dilay Nin Sarkaal ahaa oo ka tirsanaa Ciidamada jooga Magaalada Kismaayo waxaana la tilmaamaya hada in Magaalada xaafadaheeda lagu arkayo Maleeshiyaad hubeysan oo dhaxmaraya.
Xaafadaha qaar ayaa waxaa xirtay maleeshiyadka beelaha ku badan waxaana dadku ay muujinayaa cabsi iyo qal qal aad uweyn oo ku aadan in dagaaladu ay sii xoogeystaan.
Majiraan waxa war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya iyadoona dowladda Soomaaliya xubno u hadlay ay sheegeen in ay baaq u dirayaan dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo.
Dagaalada ka qaraxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay ku soo aadayaan Xilli maanta dib uu markale u dhacay shirkii Maamul sameynta Jubooyinka oo la filayay in uu halkaasi ka furmay.
SDN-Kismaayo