|

R/wasaare Kuxigeenka Turkiga oo la kulamay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Muqdisho Feb 23 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta si gooni gooni ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka koowaad oo uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyadoo kulanka uu ahaa mid qaatay dhowr saacadood.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas ayaa waxaa saxaafada siwadajir ah ula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ay kawada hadleen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee kulanka ay kawada hadleen ay tahay sidii Dowladda Turkiga ay usii kordhin laheyd taageerada Dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay siiso.

Baker Bozdag Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in ujeedka uu uyimid Magaalada Muqisho ay tahay sidii ay u kormeeri lahaayeen mashaariicda kala duwan ee Turkiga uu ka sameeyo Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa wuxuu kulan kale oo gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon kulankaasi oo socday waqti kooban.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo saxaafada la hadlay wuxuu sheegay inuu umahadcelinayo wafdiga maanta ka yimid Turkiga uuna uga mahadcelinayo taageerada ay siiyaan dalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa kaalin muuqato kuleh dadaalada ka socda dalka Soomaliya ee isugu jira dib udhiska gargaarka shacabka iyo sidoo kale horumarada.

 SDN-Muqdisho

Comments are closed