Maxkamada Gobolka Hargeysa oo Xukun Jilicsan ku riday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
Hargeysa Feb 23,2013(SDN)-Maxkamada gobolka Hargeysa oo dhegeysatay dacwad lagu soo oogay Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya balse ka soo jeeda Somaliland ayaa xukun ay ku riday waxa uu noqdey mid debacsan.
Xildhibaan Jaamac oo mudo iminka maxkamada sugayay ayaa laga soo qabtay degmeda Gebiley oo uu ka soo jeedo.
Maxkamada ayaa xildhibaanka ku riday xukun lacaga oo ka kooban Hal Milyan oo shilling Somaliland ah oo Ganaax ah.
Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa sidoo kale amartay in xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed dalka looga saaro mudo 24 sacadood gudahooda.
Safarada ay Somaliland ku yimaadaan ashqaasta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee hadanaka tirsan dawlada Somaliweyn ayaa mudooyinkii danbe isa soo tarayay.
Arintan ayaa timi ka dib kolkii ay xukuumada Madaxweyne dabarkii ka goysay la xaajoodka Soomaaliya,oo ay golleyaasha sharci dejinta dalka marsatay shuruuc ooda ka rogeysa wadahadalo dhex mara labada dhan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com