Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Xamarje oo Maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco
Burco 15.Feb (SDN) Gudomiyaha Cusub Ee Gobalka Togdheer Axmed Cumar X- C/laahi ( Xamarji),ayaa Maanta gaadhay Magaalada Burco , tan iyo Wixii ka danbeeyay Markii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dhawaan Xilkii Maamulka Gobolkaas .
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Waxaa duleedka Magaaladdaasi kaga hortagay dadweyne Tiro badan oo Caleemo qoyan iyo dareen farxadeed ku qaabilay isla markaana u soo galbiyay Dhinaca Magaalada Burco.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje iyo Wefti balaadhan oo ka sii raacay Caasimada Hargaysa ayaa lagu soo Wareejiyay Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Burco.
Duqa Magaalada Burco Maxamed Muraad iyo Ku xigeenkiisa ayaa cadeeyay in iyagoo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco ay ku faraxsan yihiin in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi Jeex uu ka hawl galo Gobolka Togdheer waxaanay intaas ku dareen inay si Mug leh ula shaqayn doonaan Gudoomiyaha Cusub isla markaana sii Sagootiyayaan badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo haatan ah Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal.
Gudomiye ku xigeenka Gobalka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle,ayaa dhankiisa ka sheegay inuu Gudoomiyaha Cusub si ka Wanaagsan Sidii Hore uu ula shaqayn doono.
Sidoo kale Gudomiyaha Cusub Ee Gobalka Togdheer Axmed Cumar X- C/laahi ( Xamarji), oo hadal u jeediyay Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ayaa uga Mahadceliyay soo dhawaynta balaadhan ee uu kala Kulmay, waxaanu sheegay inuu yahay Gudoomiyihii 15aad ee Soo mara Gobolka Togdheer Mudadii ay Somaliland Jirtay isagoo intaas ku ladhay inuu dhanka kale yahay Gudoomiyihii ugu Nasiibka badnaa Badhasaabada Gobolada Maadaama loo soo bedelay Gobol uu jecel yahay .
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer haatana ah Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa shacabka iyo maamulada gobolka togdheer ugu baaqay inay wada shaqayn dhab ah la yeeshaan Gudoomiyaha Cusub ee uu sida rasmiga ah Xilkii ugu Wareejinayo.
Maalinta Beri ah ayaa Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer uu la wareegi doonaa Xilka Hogaaminta Gobolkaas.
Burco SDN.