|

Nin Rayid ah oo xalay lagu dilay Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose

Marka Feb 15 2013 (SDN– Kooxa Hubeysan ayaa xalay Nin Rayid ah waxa ay ku dileen Magaalada marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hooose.

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Maamulka dowladda ee Gobolkaasi  ayaa faah faahin ka bixiyay dilkaasi loogeestay Ninkaasi Rayid ka ah waxana uu sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxo uu ugu yeeray dhagar qabayaal isagoo carabka ku adkeeyay inaanu ogaan Karin sababaha dilka ninkaasi ka dambeeyay.

Maaha Markii ugu horeysay oo dil ceynkaan oo kala ah uu ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan deegaanno badan oo ka tirsan ay la wareegeen Ciidamada dowladda oo garab ka helaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Comments are closed