|

Qaramada Midoobey oo aan dooneyn in Cidamadooda Nabada suga loo Diro Soomaaliya,soona jeediyay in UNIPOS la tirtiro

New York Feb 15,2013(SDN)-Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xaaladaha ka jira Soomaaliya haatan aaney saamaxeyn in dalkaa loo diro Ciidamo QM ka socda oo nabada suga,balse soo jeediyay in Hawlgal Taakulo loo sameeyo.

Kiyoo la Hadlaya Golaha Amaanka ee Qm oo qiimeynaya tilaabada xigta ee QM ku taageereyso Soomaaliya ayuu Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM Taye-Brook Zerihoun waxa uu sheegay in soojeedintii Ban Ki Moon ay tahay tilaabada ugu haboon ee haatan la qaadi karo.

Ban Ki Moon ayaa qaba in haatan QM ay ka hawlgasho sidii Soomaaliya wax loogala qaban lahaa sugida nabada,horumarinta iyo gargaarka aadanaha.

Sidoo kale Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa qaba in Gollaha Amaanku baabi’iyo Xafiiska Siyaasada QM ugu qaabilsan Soomalaiya ee UNPOS,kaas oo uu Xoghayaha Guud sheegay in aan loogu talo gelin in uu meel mariyo gacan qabadka ay dawladu u baahan tahay,isla markaana la sameeyo hawlgal cusub oo balaaran oo ka shaqeeya Nabad dhisida.

“Xogahayaha Guud ee QM waxa uu weli ku hawlan yahay mideynta hawgalada sida ugu dhakhsiyaha badan ee xaaladuhu saamaxayaan,iyo in ciidamo nabad ilaalin oo Soomaaliya loo diro baaritaan danbe lagu sameeyo,”ayuu Zaerihoun yiri.

Waxase uu garowsaday in balaarka dhulka laga xoreyyay Shabaabka ay fursad u siineyso dawlada in ay isku baahiso si ay u kasbato shacabkeeda,waxaanu intaa raaciyay in dawladu ay haatan ku hawlan tahay shaqadaasi iyada oo u mareysa hoos ka soodhisid.

“Kolka laga yimaado dhawr weerar Shabaabku qaadeen,waxa haatan jira isku haleyn Nabadeed oo la dareemi karo guddaha Muqdisho,hase yeeshee Al Shabaab weli lama jabin,jiritaankooduna waxa ay xadidideysaa xoriyada isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa Soomaalida iyo kuwa doonaya in ay gacan u fidiyaan”ayuu Zarihoun mar kale yiri.

Codsi Soomaaliya ka yimi oo lagu dalbaday in la dabciyo cuna qabateynta Hubka ee QM dul dhigtay Soomaaliya si loo dardar geliyo hawlaha ciidamad amniga ee dalka ayaa Zarihoun waxa uu yiri Ban Ki Moon waxa uu qabaa in dib loo Cabiro iyada oo la eegayo dhamaan waxyaabaha ay khuseyso iyada oo laga fiirsanayo in hubku dib dalka ugu qulqulo iyada oo aan cidi sugeyn,taas oo keeni karta in ay uga darto xaaladaha amaan.

Raiisul ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Adan ayaa Gollaha Amaanka ka hor sheegtay in Cunaqabateynta oo laga qaado Soomalaiya ay horudhac u tahay nabad laga abuuro goobaha dhawaanta laga xoreeyay Shabaabka,iyo in ciidamada Amaanku ay qaadaan masuuliyada amnigeena ayya tiri wasiiradu.

Waxa ay sheegtay in dawladu ay dooneyso wadashaqeyn buuxda oo ay la yeelato QM iyo xubnaheeda inta laga gaarayo isku filaasho ay Soomaaliya gaarto.

Waxa kale oo ay intaa ku dartay in halka ay taagan yihiinay tahay in la helo Hay’adaha QM ay yeeshaan hogaan mideysan oo cod keliya kuhadla,waxaaney xubnaha Gollaha Amaanka ku cansuuntay in ay Soomaaliya dhawaan booqasho ku yimaadaan,si ay indhahooda ugu arkaan isbedelada waaweyn iyo fursadaha jiraba.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed