UCID UK:Waxaynu arki jirnay Madaxweyne Siilaanyo oo Magaalada London iyo Gobolada Dalka UK si balaadhan loogu soo dhaweeyo, maantana arrintu waxay isugu soo ururtay in uu la kulmo 40 qof oo u badan Guul-wadayaal iyo Caa’iladiisa
London Feb 14,2013(SDN)-Xisbiga Mucaarika ee UCID laantiisa UK waxa uu warsaxaafadeed ka soo saaray kulankii dhawaanta uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo la yeeshay jaaliyada Somaliland ee dalka Britain.
Warkan uu soo saaray Xoghayaha UCID ee UK ayaa lagu lafo guray sababha keenay in madaxweynuhu la kulmo xubno kooban oo jaaliyada ka tirsan,qoraalkuna sidan ayuu u dhignaa;Kulankii habeennimadii bishu ahayd 12/02/2013 Sheraton Hotel London ay ku kulmeen tiro kooban 40 tameeyo qof oo reer Somaliland ah iyo Madaxweyne Siilaanyo, dhamaan Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool UK waxaa fajaciso iyo layaab ku noqotay sida loo soo agaasimahay kulankaa iyo Didmada Madaxweyne Siilaanyo uu ka didayo Jaaliyada UK ee Somaliland. Horay Soomaalidu ugu maah-maahday Ninweyn wadkii waa yaqaan, Madaxweyne Siilaanyo wuxu Kulankii balaadhnaa ee uu la yeelan jiray Jaaliyada UK uga cararayaa waxa weeye, wuxuu ogyahay wuxuu gudaha ka sameeyey ee hagardaamo ah.
Arrinta layaabka ahayd ee kulankaa shacabku ka dheegteen waxay ahayd su?aashii muwaadinkii xalaasha ahaa ee Maxamed Huuruun uu way diiyey Madaxweynaha iyo jawaabtii siilaanyo oo aad ka dareemaysay cadho iyo in ay ka fogtahay xaqiiqada dalka ka jirta. Waxaynu arki jirnay Madaxweyne Siilaanyo oo Magaalada Lodon iyo Gobolada Dalka UK si balaadhan loogu soo dhaweeyo, maantana arrintu waxay isugu soo ururtay in uu la kulmo 40 qof oo u badan Guul-wadayaal iyo Caa?iladiisa, tani waxay ay tusaale u tahay Hogaamiye kasta oo shacabkiisa hagardaameeya sidaa siilaanyo ayaa u danbayn doonta.
Arrinta kale ee layaabka ah waxa weeye sida aynu la socono ayaamahan waxa socda in Xisbiga KULMIYE uu xaflado u qabanayo Ururadii dhacay, Ninbaa lagu yidhi Hooyadaa Maxaad ku Ogeyd, markaasu yidhi Indho La?aan Dadnimo Cunisna way ku darsatay, taa waxaan ula jeedaa Xisbiga KULMIYE oo aynu ku naqaanay Qabyaalad iyo Musud Maasuq Ayaaba Iminkana ay ku soo Biireen Guul-wadayaashii ugu Waaweynee ee Xisbigii UDUB. Kuwii ay dadku isbadalka ka sameeyeen ayaa sannado kadib Xaflada soo dhawayn ah loo sameeyay cajiib.
Waxaan halkan ka Canbaareynayaa falkii xumaa ee Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi uu ku xidhay gabadhii muwaadinada ahayd ee uu kula kacay wax ka fog dhaqanka iyo sharciga Somaliland. Waxaan kale oo aan canbaareynayaa xadhiga loo gaystay Afhayeenka Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil oo ay xidheen masuuliyiinta Gobolka Saaxil oo iminka u biyo shubtay Guul-wadeen, waxaan leeyahay waa in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayaa afhayeenka lana dhowraa xuquuqda aasaasiyaga ah ee muwaadinka iyo dastuurka J/Somaliland.
Waxaan shacabka reer Somaliland kula dardaarmayaa in ay Nabadgalyadooda Ilaashadaan, cadowgooda meel uga soo wada jeestaan, gacana siiyaan Xisbiyada Xaqa ku adimaya ee uu ugu horeeyo Xisbiga UCID, Illaahna ka baryaan in uu siiyo Hogaamiye Daacad ah, oo Qabiil iyo musuq maasuq ka fog.
Mr. Cabdulqadir Mohamed Cabdulahi
Xoghayaha Xisbiga UCID Laanta UK Bristol