Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran oo beenisay in ay taageerto Xarakada Al Shabaab
New York Feb 14 2013 (SDN)— Safiirka Iran u fadhiya QM Maxamed Khasaa’ii ayaa u sheegay wakaalada wararka Reutres inuu golaha amaanka ee QM u gudbiyay Warqad ay ku qoran tahay in iiraan aysan hub ku taageerin Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Safiirka Iran ee magaalada New-York waxa u shaaciyay in gudiga dabagalka xayiraada hubka ee saran soomaaliya iyo Eriteria looga baahan yahay cadeymo buuxa oo muujinaya taageerada hubka ah ee dowladda Tehraan ay siisay Al-Shabaab.
Mr Maxamed Al-Khsaa’ii ayaa tilmaamay in haatan aysan jirin sabab ku qasbi karta iiraan inay saanad Milatari ku taakuleyso Ururo Argagaxiso sida Al-Shabaabka Soomaaliya islamarkaana ay u arkayaan ujeedo been abuur looga faafinayo Iiraan ayna ku lug leedahay dowladda Mareykanka.
“Waxaan ka codsaneynaa golaha amaanka ee QM inuu su’aalo weydiiyo gudiga dabagalka cunaqabteynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya oo soo saaray warbixintan sheegeysa in iiraan iyo Yemen ay taageeran Ururka Al-Shabaab taas oo aan beenineyno “ sidaas ayuu ku qoray safiirka iiraan ee QM Maxamed Al-Khasaa’ii warqada uu gudbiyay golaha amaanka ee QM.
Dhwaan un Monitoring Groub waxa ay ku eedeyeen dowladaha Yemen iyo iiraan inay hub ku taageeraan xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta iyadoo Mareykankana uu ku raacay balse iiraan maanta ayay sikulul u beenisaty arinkaas balse cadeyn toos ah loomahayo Dowladda Tehraan waxyaabaha lagu eedeyay.
SDN-New York