|

Wasiirkii hore ee Cadaalada Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Muqdisho Feb 14 2013 (SDN)– Allaha unaxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Caadaalada Dowladdii KMG aheyd hadana ahaa Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya. 

Sheekh Nuur Cali Aadan  Wasiirkii hore ee Cadaalada ahaana Xildhibaan ka tirsan Barlmanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in xanuun ku soo booday awgiis uu ugu geeriyooday gurigiisa oo kuyaalay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. 

Qaar kamid ah Eheladiisa oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay geerida Xildhibaankan ka tirsanaa Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Nuur Cali Aadan. 

Waxaa hada soconeysa qaban qaabada Aaska Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo horayna u soo noqday wasiirkii Cadaalada dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

SDN-Muqdisho 

Comments are closed