|

Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose

Kismaayo Feb 14 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in Nin ganacsada ah xalay lagu dilay Magaladaasi. 

Ninka la dilay oo la sheegay in lagu Magacaabay Aadan Sheekh Muuse Cali Aadan Sandheere ayaa waxa uu dilkiisu dhacay xilli uu ka soo baxay Masjid kuyaallay Xaafada Farjanno ee Magaalada Kismaayo. 

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamaa Raaskamboonin ay gacanta ku haya Magaladaasi waxaana la sheegay in goobta ay ka baxsadeen kooxihii dilka geystay oo bastoolado ku hubeysnaa. 

Majiraan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee ka taliya Kismaayo oo ka hadlay dilka ganacsadahani laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in dilka Ninkani loo sababaynayo in uu ku lug lahaa siyaasada gobolada Jubooyinka.

SDN-Kismaayo 

Comments are closed