Al Shabaab oo ku hanjabay dagaallo ay ka geystaan deegaanada Maamulka Puntlanad
Boosaaso Feb 14 2013 (SDN)— Sh.C/qaadir Cali Muumin oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Alshabab oo haatan ku sugan deegaanada Puntland ayaa sheegay in qaraxyada xilligan ay bilow u yihiin kuwa bilaw u ah Puntland ayna si wadi doonan ilaa ay kaga taqalusaan maamulka meeshaasi ka jira.
C/qaadir Cali Muumin ayaa sheegtay masuuliyada qaraxii labo maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo eel ala beegsaday taliyihii ciidamada Booliska kaasi oo uu ka bad baaday qaraxaasi oo dhaawac ka soo gaaray.
Masuulkaan ka tirsan Alshabab ayaa sheegay inay hada wixi ka bilawda ay sii wadi doodaan qaraxyada lala beegsanayo masuuliyiinta maamulka Puntland ilaa inta shareecada islaamka ay ka hirgalinayaan deegaanadaasi.
Alshabab ayaa tan iyo intii lagaga wareegay deegaano badan oo ka tirsan koonfurta soomaaliya waxay ay u ruqaan sideen sida la sheegay deegaanada Maamulka Puntland sida ay sheegeen dhawaan masuuliyiinta ugu sareysa maamulkaasi oo uu ka mid yahay madaxwayne C/raxmaan Sh.Maxamed Faroole.