Ra’iisal Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dalka Burundi
February 12, 2013-(SDN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Burundi kaasoo saddexdii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Burundi, ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Qaranka Hon. Xakizimana Emilein, waxaana sidoo kale booqashadiisa ku wehlinaya xubno kale oo xildhibaano ah, khubaro Ciidan, ganacsato iyo weriyeyaal.
Gabagabadii kulankooda kadib, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid oo saxaafadda la hadlay ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay Dowladda Burundi, oo iyadu ciidamo kumanaan ah ku soo biirisay howlgalka ciidamada AMISOM.
“Dowladda Soomaaliyeed iyo Burundi waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, oo waxaan garab istaagnay xilligii ay dhibaatada ku jireen oo ay saraakiisheenu siin jireen tababaro iyo Magangalyo, taas ayaana keentay in maanta ay noo galaan kaalin lama ilaawaan ah oo ay kumanaan Askari oo geesiyaal ah u soo diraan dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka ” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo si gaar ah hambalyo ugu diray madaxda dalka Burundi kuna amaanay go’aankoodaasi geesinimada leh.
Hogaamiyaha wafdigan Hon. Xakizimana Emilein ayaa isna dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay fursad u helaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayna kala hadlaan sidii loo sii dardargelin lahaa howlaha nabadaynta ee AMISOM ay ka wado Soomaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in Askartoodu ay ka howlgalaan Soomaaliya isla markaana ay guulo ka soo hooyaan howl galada ay amaanka ku sugayaan.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com