|

Hargeysa: Ciidanka Amniga oo markale Xabsiga dhigay Boqor Raabi iyo sababta xadhigiisa lala xidhiidhinayo

Hargeysa Feb.12, 2013 (SDN)- Ciidanka amniga ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsiga u taxaabay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan xukuumaddu ka soosaartay xadhigaas, haddana siday ilo xogogaal ahi u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, Boqor Raabi waxa maanta laga qabtay gudaha magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku daray, in xadhigiisu ka dambeeyay markii uu shalay ka soo laabtay Khaliijka Carabta oo sida la sheegay uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa.

Sida la sheegay, waxa loo xidhay arrimo la xidhiidha inuu Muqdisho tegay intii ay socotay dhismaha dawladda cusub ee Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay ee 2012.

Sannadihii u dambeeyay, boqorka oo ka mid ah madax-dhaqameedka Hargeysa, waxa dhawr jeer loo xidhay inuu taageersan yahay ama ka qaybgalay shirarka Soomaaliya iyo dhismaha dawladdihii kala dambeeyay.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed