|

Golaha Wakiilada oo loo Qaybiyay Xeerka Hab Maamuuska Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Hargaysa 12.Feb (SDN) Fadhigii manta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi ((Cirro)) ayaa mudanayaasha waxaa loo qaybiyey xeerka hab maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

Xeerkan oo ah mid qabyo qoraal ah waxaa goluhu fadhi dambe u ballamay maalinta sabtida ah ee Todobaadkan dambe.

Doodaha laga samaynayo Xeerka hab maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa uu ku soo beegmay maalin ka bacdi markii ay goluha wakiilada Somaliland ansixiyeen xeerka waddo marista Somaliland oo ah xeer No 56/2012

Hargaysa SDN.

Comments are closed