|

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo Dil lagu Xukumay.

Hargaysa 11.Feb (SDN)Maxkamada Sare ee Ciidamada Somaliland ayaa qaraar ay maanta soo saartay waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay Racfaansanle Askari Bolis Khadar Cabdi Nuux,kadib markii ay ku cadaatay inuu qudha ka jaray abtigii Marxuun.Shicib Jaamac Axmed Cismaan.

Qoraalkan ka soo baxay Maxkamada Sare ee Ciidamada  kuna Saxeexan Yahay Gudoomiyaha Maxkamadaasi Xasan Aadan Sugule ayaa lagu sheegay in Maxkamadu ay Xukunkeeda u Cuskatay Suuratul Baqaraha,Aayada 179 iyo Qodobada 195 ee Xeerka Ciqaabta Ciidamada Wakhtiga Nabada iyo Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed