|

Madaxweyne ku xigenka Somaliland oo Kulan la yeeshay Wefti ganacsi oo ka socda Turkiga.

Hargaysa 11.Feb (SDN)  Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Md.C/Raxmaan C/laahi Ismacil Saylici ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku qaabilay Wefti ka socda Ururka Ganacsatada Dalka Turkiga ee [Tuskow].

Kulankan oo ay Madaxweyne ku xigeenka Ku waheliyeen Wasiirka Ganacsiga Md.C/risaq Khaliif Axmed,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shugri Xaluul,Kulankan ayaa waxa lagaga wada Hadlayay Iskaashiga Labada Dawladood ee dhinacyada Dhaqaalaha,Waxbarashada,Beeraha,Xoolaha Macdanta iyo Biyaha.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa weftiga ugu Mahadceliyay Booqashada ay ku yimaadeen Dalka isagoo Xog waran ka siiyay Marxaladihii Kala Duwanaa ee uu Soo maray Dalku.

Dhanka kale,Xubnaha weftiga ayaa Madaxweyne Ku xigeenka Uga waramay ujeedada Socdaalka ay ku Yimaadeen Somaliland,iyo Sida ay u danaynayaan Maalgashi ay ku sameeyaan dalka.

Geesta kale,Kulankaasi ka dib Weftigu waxa ay Xafiiskeeda Kula Kulmeen,Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo  Tacliinta Sare,Marwo Samsam Cabdi Adan Halkaasi oo ay Weftiga ku siisay warbixin la Xidhiidha Waxbarashada Dalka,iyo Deeqda Waxbarasho ee Dawlada Turkigu siiso Somaliland.

Weftigani waxa kale oo ay isla Maanta Booqdeen,Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,Beeraha,Macdanta iyo BIyaha,Halkaasi oo ay Kula Kulmeen Wasiirada  Wasaaradahaasi oo Si diiran ugu Soo dhaweeyay Xafiisyadooda isla Markaana warbixin ka siiyay Arimo La xidhiidha Wasaaradahooda.

Gegebadii Kulamadaasi ayaa Weftigan ka socday Ganacsatada Dalka Turkiga,waxaa wasiirka Wasaarada Ganacsigu u sameeyay Hadhimo Sharafeed.

Hargaysa SDN.

Comments are closed