|

Golaha Wakiilada oo Meel Mariyay Xeerka Wado Marista Somaliland iyo Golaha Guurtida oo soo gabo gabeeyay Doodii Arrimaha Bulshada .

Hargaysa 11.Feb (SDN) Golaha Wakiilada Jsl,ayaa Fadhigoodii maanta oo uu Shirgudoominayay Gudoomiyuaha Golaha Wakiilada ayaa Maanta Ansixiyay Xeerka Wada Marista ee No.56.

Fadhigan oo ay ka soo Xaadireen Shan iyo Afartan Mudane  ayay ku ansixiyeen xeerkan oo ay  Hore Wax ka bedel iyo Kaabis ugu Soo sameeyeen Golaha Guurtidu.

Xeerkan La ansixiyay oo ka Koobnaa Boqol iyo Sedex iyo Toban Qodab ayaa Mudanayaasha Goluhu wakiiladu,qodob u Meel Mariyeen.

Xeerkan ayay Mudanayaasha Golaha Wakiiladu waxay ku meel Mariyeen Cod Aqlabiyad,waxana Ogalaaday 38 Mudane,Cid diiday Ma jirin Waxaana ka Aamusay Lix Mudane Gudoomiyuhuna Muu Codeyn.

Ka Hor intii aan la Ansixin Xeerkan ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu ku war Galiyay Mudanayaasha.

Dhinaca Kale Golaha Guurtida Jsl,Fadhigoodii Maanta oo uu Shirgudoominayay  Gudoomiye Ku xigeenka Labaad Siciid Jaamac Cali ayaa maanta  Soo gabagabeeyay Doodii Gudiga Arimaha Bulshadu ay Hore Uga Warbixiyeen.

Mudanayaasha Golaha Guurtida oo Maanta Soo gabagabeeyay Dooda Warbixinta Gudiga Arimaha Bulshadu,ay dhawaan Ka warbixiyeen Iyagoo ku Kala Aragtid Duwanaa Doodooda.

Mudanayaasha Qaarkood ayaa dooda Ku Codsaday  in Xukuumadu Dadaal Balaadhan ka Samaysay Arimaha Garsoorka iyo Cadaalada oo Bulshadu Hore ugu Caban Jireen,Iyagoo Gudiga Cadaalada ugu Baaqay inay Hor Yimaadaan Golaha,gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Isla Markaan Warbixin ka siiyaan Xaalada Garsoorka Dalku Halka uu Mariyo.

Geeska Kale,Mudanayaasha Qaarkood oo Fikirkooda ka dhiibanayay ayaa waxay Codsanayeen in Loo yeedho,Wasiiradda ay ka mid yihiin Wasaaradaha,Arimaha Gudaha,Cadaalad, Waxbarshada iyo Deegaanka,iyagoo Ku talo Bixiyay in Gudiyada Xaafadaha Ka dhisane ay Xilbalaadhan isa saaraan oo ay la Shaqeeyaan Gudoomiyaha Gobolka si Xasiloonidu u Hagaagto.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed