Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug
Galkacyo Feb 11 2013 (SDN)— Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kaasi oo lala eegtay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay ruux ismiidamiyay kaasi oo doonaye inuu khaarijo taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland Nuuradiin.
Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu soo gaaray dhaawac xaaladiisa caafimaadna lagu dabiibayo gudaha Isbitaalka halkaasi oo ay koox wariyeyaal ku booqdeen.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan dhaawaca ilaa 13-ruux oo 8-kamid ah ay yihiin ilaalada taliyaha halka sidoo kale 5-kale ay yihiin dad shacab ah.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Maamulka Puntland ee qaraxa lala eegtay Nuuradiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Magaalada ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan dhaawac fududna uu soo gaaray.
Sidoo kale Jaamac Maxamed Axmed oo ah taliyaha qeybta Booliiska Puntland oo isna la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in qaraxaasi ay fuliyeen Al-Shabaab ayna ku doonayeen inay dilaan taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay tahay meel mashquul iyo saxmad ah oo ay ka dhaw yihiin shirkada ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo dhimashada ilaa iminka lasoo sheegay ruuxa ismiidaamiyay kaliya.
Ciidamada Nabadsugida Puntland ayaa soo gaaray goobta kuwaasi oo howlgal ka sameeyay nawaaxiga meesha uu qaraxa ka dhacay balse ilaa hada lama oga cida ay kusoo qab qabteen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen masuuliyada weerarka lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland.
SDN-Galkacyo