|

Shirka Xeeerka isgaadhsiinta soomaliya oo muqdisho ka socda iyo masuul somaliland oo ka qayb galay

Muqdisho (SDN) 11Febr 2013 –Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagaga doodayo xeerka isgaadhsiinta Somaliya oo ay wasaarada isgaadhsiintu diyaarisay. Shirkan oo shalay furmay isla-markaana soconaya maalmaha soo socda, ayaa waxa hadal ka jeediyay raysal-wasaaraha Somaliya, waxaanu ku canaantay shirkadah isgaadhsiinta dhibaatada ay dadka ku hayaan iyo sida ay shacabka ugu khasbeen inay dhowr telefoon qaataan. Shirkan oo ay ka qayb-galeen shirkadaha isgaadhsiinta Telefoonada iyo Internetka ee Somaliya ka shaqeeya ayaa khudbada uu Mr Saacid ka jeediyay uu ku yidhi  “Waxa khaldamay in la kala garto waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka ka dhaxeeya, waxa la jabiyay xeerarkii u yaallay caalamka iyadoo la isticmaalay Mowjado ay waddamo kale leeyihiin, waxaa lagu xad-gudbay xuquudii muwaadinka iyadoo lagu khasbay inuu qaato saddex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda”

Shirkan isgaadhsiinta Somaliya uu u furay raysal-wasaaraha Dawladda Somaliya ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland Eng Yuusuf Maxamuud Cumar, kaasi oo si toos ah uga qayb-qaadanayey shirkaasi oo lagaga doodayey qodobada xeerkaasi ku jira.

Shirkan oo u gaar ah shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliya ka shaqeeya iyo Wasaarada isgaadhsiinta, Boosaha iyo gaadiidka dawladda Somaliya oo xeerkaasi soo diyaarisay ayaan la ogeyn in Guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland uu si shakhsi ah u tagay iyo inuu shirkadah isgaadhsiinta Somaliland ku malatalayey shirkaasi.

Comments are closed