|

WAR DEG DEG AH: Maxkamada Gobolka Hargaysa oo maanta goaan ka gaadhay dawcwadii Nadra Maxamed Jamac

Hargaysa 11Feb (SDN) Maxkamada  Gobolka  Hargaysa oo maanta goaan ka  gaadhay  dawcwadii  Nadra Maxamed  Jamac  oo ku eedaysan inay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland fariin aflagaado ah u dirtay.

Dacwadan oo saddexdii toddobaad ee u dambeeyay socotay, iyadda gabadhana dhowr jeer oo isku xigta Maxkamada la horkeenay isla-markaana dacwadeeda la dhageystay, ayaa maanta maxkamadu go’aan ka gaadhi doontaa, ka dib markii baadhitaan caafimaad oo Maxkamada u dirtay gabadhan in lagu sameeyo si fayoobida caafimaadkeeda loo hubiyo lagu ogaaday inay caafimaad qabto.

Dacwadan Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ku soo oogay gabadhan oo ay aad uga hadleen warbaahinta, ururada xuquuqal iinsaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa go’aanka laga soo saarayo nooca uu noqon doono aan laga war-qabin, inkasta .

isku soo wada duuboo waxaan laga war hayn waxa ka soo bixi doona dacwada nadra mxamed jaamac

 

Comments are closed