|

Deg Deg: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug

Galkacyo Feb 11 2013 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug qarax xoogan ayaa wuxuu ka dhacay Magaaladaasi. 

Qaraxa oo ay warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa waxa ay wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari halka warar kalena ay sheegayaan inuu yahay qarax miino. 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu qaaday taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Puntland Nuuradiin Axmed Muuse kaasi oo maraye meel ku dhaw Taliska qeybta Booliiska Gaalkacyo. 

10-ruux oo uu kujiro taliyaha ayaa lasoo wariyay inay dhaawacmeen halka ilaa iyo iminka aan la xaqiijin dhimashada ka dhalatay qaraxaasi. 

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska Puntland halka dadkii dhaawacmay intooda badan loola cararay isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo. 

Xaalada ayaa iminka ah mid dagan iyadoo ciidanka ay isku gadaameen goobta qaraxa uu ka dhacay.

SDN-Galkacyo 

Comments are closed