|

Kooxda la socodka xayiraada hubka: Soomaaliya hub ayaa ka soo gaara Yemen iyo Iran

New York Feb 11 2013 (SDN)— Iyadoo Fadhiga soo aadan ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay lagu wado in looga hadlo dhameynta xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa xookda la socodka cunaqabateena hubka ee lagu soo rogay Somaliya iyo Eritera waxa ay soo warinayaan in Islaamiyiinta Geeska Africa ay helayaan hub ka imaanaya shabakado xiriir la leh Yemen iyo Iran, sida diplomasiyiin ay u sheegeen Reuters. 

Kooxda kormeerta xayiraada hubka ayaa ka walaacsan xiriirka Kooxo Iraniyiin iyo Yemni ah kuwaas oo hub siiya Xarakada Al Shabaab iyadoo Yemen ayweydiisatay Tehran in ay joojiso taageerada kooxaha ciideeda kusugan. 

Bishii La soo dhaafay Ilalada xeebaha Yemen iyo Ciidamada Bada Maraykanka ee ku sugan gobolka ayaa gacanta ku dhigay dooni siday gantaalo iyo hobiyayaal taasi oo Xukuumadda Sanca ay ku sheegtay in laga soo diray dalka Iran. 

Sida laga soo xigtay waxayaabihii ugu danbeyay ee ay hesahay kooxda kormeerka intabadan hubka ay Soomaaliya soo galayay ayaa imaanaya waqooyiga gaar ahaan Puntland iyo Somaliland iyadoo kaddib loo gudbinayo Koofur Soomaaliya oo ay Al Shabaab gacanta ku hayaan. 

Iyadoo laga gaabsaday magacyada ayaa xubno ka tirsan Kooxdan waxa ay sheegeen in uu jiro shabakada Soomaali ah oo badan kuwasi oo Yemen xiriir la leh taasi oo sahashay in hubka uu Yemen ka soo galo Soomaaliya. 

Gobolka Galagaduud oo kuyaalla bartamaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Shabaabka ku sugan ay kala soo dagaan hub farabadan si joogta ah iyadoo bishii ugu danbeysay ee January ay hub culus kala soo dageen. 

Hadlaka Kooxda la socodka xayiraada hubka ayaa dhibaata ku noqon doonta in si rasmi ah loo qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya waxaana ay dalban doonaan in ay helaan damaanad qaad buuxa ama in la qafiifiyo oo kaliya. 

SDN-New York 

Comments are closed