Midowga Africa oo ka hadlay qorsha Ciidamada Kenya qeyba kamid ah looga saarayo dalka
Muqdisho Feb 11 2013 (SDN)— Iyadoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay shaaciyeen in 20% ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka laga saarayo halkaasi ayaa arintaasi waxaa ka hadlay wakiilka Midowga Afrika ee Arimaha dalka Soomaaliya.
Mohamed Anadif oo ah wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa wuxuu sheegay inuu jiro qorshaha ku aadan in ciidanka Kenya dalka Somaaliya laga saarayo balse go’aankiisa aysan isku waafaqin Golaha Ammaanka ee QM.
Wuxuu sheegay in iminka uu socdo qorshe ku aadan in ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka lagu badalo ciidamo ka socda Dowladda dalka Serlion.
Kenya ayaa waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM kuwaasi oo ka howlgala Gobalada Jubbooyinka Magaalada ugu weyn ee dalka Soomaaliyana ay ka joogaan ay tahay Magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.
SDN-Muqdisho