Rugta Ganacsiga ee Somaliland iyo Wefti ka socda Shirkado ka Jira Turkiga oo ka wada hadlay Maalgashi ay Somaliland ku sameeyaan.
Hargaysa 10.Feb (SDN) Rugta ganacsiga wershadaha iyo beeraha ee j sl ayaa Munaasibad marti- qaad sharaf u samaysay,Wefti ka socda qaar ka mida shariikadaha ganacsi ee ka jira wadankaasi turkiga kuwaasi oo booqasho haatan ku jooga dalkani jsl.
Marti qaadkan soo dhowaynta weftiga oo lagu qabtay hotelka ampassador ee magalada hargaysa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda ganacsiga jsl mudane crisaaq khaliif axmed,madaxda iyo xubnaha rugta ganacsiga ,iyo wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee ganacsatada dalka jsl
Gudomiyaha rugta ganacsiga sland maxamed shugri jaamac oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha weftigan oo kasoo jeeda wadankaasi turkiga ay dhammaanba yihiin mulkiilayaal shariikado ganacsi iyo warshado ku leh wadanka turkiga ,isagoo xusay in booqashadooda wakhtigani, ka jawaabayso, socdaal bilihii lasoo dhaafay, madaxda rugta ganacsiga oo ay weheliyaan xubno ka mida ganacsatada dalka ugu kicitimeen,dhinaca wadankaasi turkiga oo xidhiidh soo jireen iyo taariikh fac wayni ka dhaxayso mujtamaca jsl.
isagoo intaasi raaciyay in socdaalkooda xiligani salka ku hayso sidii ay daraasad ugu samayn lahaayeen fursado maalgashi oo ay wax kula qabsanayaan dawlada sland iyo dadkeeda,
Suldaan maxa’d xasan oo ka mid ahaa weftigii ka socday dalkani sland ee booqday wadankaasi turkiga, ayaa isaguna ka sheegay madashaasi, in wefdigan ganacsatada turkiga oo ay hore wadankooda kulamo ugu yeesheen wakhtigii ay socdaalka ku tageen halkaasi,ay u qalmaan in wax lala qabsado isla markaana yihiin kuwo si wayn u danaynaya soo noolaynta xidhiidho wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.
Sh. xasan c/salaam oo isaguna ka mid ahaa xubnihii munaasibadaasi ka hadlay,ayaa ka taariikheeyey xidhiidhka walaaltinimo ee udhexeeyey mudada dheer labada umadood,isagoo muujiyay baahida loo qabo in dib boodhka looga tumo .
Xubnaha weftigan ka socda ganacsatada wadankaasi turkiga ayaa dhinacooda tibaaxay sida ay ugu faraxsan yihiin dareenka gacaltooyo ee ay kala kulmeen sland isla markaana ay ka mahad celinayaan sida fiican ee loogu soo dhoweeyey dalkani sland,iyagoo caddeeyey in fursadaha xagga ganacsiga ka sokow ay diyaar u yihiin inay ka hawl galaan sidii looga gacan siin lahaa sland adeegyada kala duwan ee dhinacyada nolosha,mr. ikraaam oo ku hadlayay magaca weftigan ayaa xusay inay ku bogaadinayaan bulshada iyo xukuumada halganka ay ugu jiraan horumarka iyo dib u dhiska dalkooda,iyagoo aan ilaa haatan aqoonsi ka haysan beesha caalamka waxaanu si gaara farta ugu fiiqay lacagta dhoooban suuqyada magaalada oo uu tilmaamay inay la yaab ku noqotay markii arkeen isla markaana ay tahay amuur si weyn usoo jiidatay .waxaanu tilmaay inay taasi calaamad u tahay nabadgelyada buuxda iyo amniga sugan ee ka jira sland.
Gebagebadii xafladaasi oo uu ka hadlay wasiirka wasaaradda ganacsiga sland md. Crisaaq khaliif axmed waxa uu weftiga ganacsatada uga mahad celiyay booqashadooda sland, waxaanu sheegay inay ka xukuumad/ahaan soo dhowaynayaan,isagoo xusay in shuruucda iyo xeerarka dalku yihiin kuwo dhiiri gelinaya maalgashiga iyo xidhiidhada ganacsi,isagoo intaasi ku daray inay kkulamo ka balaadhan intan la samayn doonaan xubnaha weftiga wasaaradiisa wasaaradaha kale eek u lug leh arimaha dhinaca dhaqaalahu, maalmaha fooda inagu soo haya.
Martiqaadkan qada sharafta ah ka hor,waxa weftigaasi ganacsatada wadanka turkiga oo uu horkacayo gudomiyaha rugta ganacsiga slnad maxamed shugri ay
Soo booqdeen qaar ka mida xarumaha sharaaiga ganacsiga ee dalka,sida telesom,dahabshiil,daryeel constraction company,oomaar,iyo warshada weyn ee coocacoolaha SBI oo ku taalla deegaanka jaleelo oo a w/bari kaga began magaalada hargaysa.
Hargaysa SDN.