|

Mihnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist

Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, sumcad  iyo ixtiraam  waxaa kale oo lagala kulmaa  ciqaab ,ganaax, ceebeyn,iyo sharaf dhac taas oo u micnaha ugu weyna uu  yahey in la muujiyo lana cadeeyo wixii aad soo kurdhisey amaba  aad ka gaabisey waana waxa loo yaqaano xeerka dhiirigalinta (motivation theory) .

Waxaa laga yaabaa  in dad badan ay isweydiiyaan xirrirka ka dhaxeeya cinwaanka aan ugu magac darey  “ mihnada saxaafada soomaaliya markale aan dib u  eegno” iyo xeerka aan ararta uga dhigey qoraalkeyga,  hadaba aan kuu falanqeeyo sida aan u arko in xariir weyn ka dhaxeeyo.

Sida aan horey u soo sheegeyba xirfadkastaahi waxey leedehey cid amaanta iyo cid wax ka sheegta lkn mihnada saxaafada  soomaaliya waxay u muuqataa xirfad aaminsan aragti aad ugu gedisan  oo  nuxurkeedu yahey  “waxaan aqbali karnaa amaan , shaarf , ixtiraam iyo sumcad” lkn waxaan kasoo horjeednaa wixii taa liddi ku ah amaba kasoo horjeeda sida saxid ,ceebeeyn ,ciqaab, ganaax iwm.

Dad badan ayaa aaminsan  in ceebaha warbaahinta soomaaliya  ay ka badantahey waxa ay bulshada kusoo kordhiso ,mararka qaarna waxaa la qabaa in iyagaba horsed ka yihiin hurinta colaadaha abaabulka qabaailka iyo sumcad dilka dalka iyadoo saxafigu  garoowsanyahey  iyo isagoo garaneyn  intaba.

War maalmeedka aan ka  maqalno warbaahinta soomaaliya gaar ahaan kuwa muqdishu  ayaa u muuqda kuwa aad hurinaaya colaadaha intii ay damin lahaayeen, aan tusaale usoo qaato midkamid ah idaacdaha  ayaa wariye usoo tabiyey Bam gacmeed lagu weerery saldig boolis. wariyaha waxaa uu hadalka u dhigey “dagaal qaraar ayaa caawa ka dhacey saldhig boolisku ku leeyhey degmada heblaayo Ka gadaal markii bam gacmed lagu tuurey saldhigaasi”, waa yaabe side ayuu ugu tilmaamay dagaal qaraar  hadii bam la radiey kadibna rasaas ciidamadu fureen?

Ma aha oo kaliayah intaasi ee waxaa kasii daran  in dhacdo kasto ee la xariirta iska hormaad labo koox ama meeleshiyaad habka wariyaashu u qoraan amaba u tabiyaan ay ka duwantahey sida wax u dhaceen !!! isku dhac kasta  hadii ay ka hadlayaan maxaa qasab ka dhigey in la yiraahdo “dagaal faraha looga gubtey, dagaal culus , dagaal aad u qaraar  dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadey iwm ” markii aad is tiraahdo dagaalka sidaa u qaraar ee uu wariyuhu sheegey meeqo ayaa ku dhimatey amaba ku dhaawacantey la yaab malaha dagaalki qaraaraa in wariyuhu ku soo xiro warkiisa “inta la ogyahey hal ruux ayaa ku dhintey iyadoo labo kalana dhaawac ka soo gaarey” !!!!!!

Aan su’aalo saxafiyiinta  maxey  ku cabirnaan sideyse ugu xushaan erey munaasab ku ah waxa dhacey ?miyeeysan jirin  halbeeg ?guurmee ayey ku tilmaami karaan   falka :dagaal, iska hor imaad , khilaaf ,israsaseyn , isku dhac iwm mise dhamaan waa u dagaal ? hadii ay sidaa wax  u tabiyaan  miyeenen aheen in colaada ay iyagu qeyb ka yihiin ?mise isweydiiyeen hooyadii hami uu uga jirey inuu hoygoodu kusoo laabato markii ay maqasho “dagaal qaraar ayaa xaley ka dhacey degmada aad ku nooshahey maxey  sameyneysaa ? Waa su’aalo aan isleeyhey wariyaasheena sharafta leh waa in is  isweydiiyaan.!!!!

Sidaasi oo tahey  waa  hurmoodka bulshada dhinac kasta oo waxey inta dhageysata u muujiyeen in ay yihiin dulmanayaal markasta xaq leh, laga gardaranyahey , ama saxanayaal aananan qaldamin  maxaa yeeley iyagaa heysta microfoonka meeldheerna gaarsiin kara warkooda.

Mid kamid ah saaxiibadeyda warbaahinta magaalada muqdishu oo iiga sheekeeyey waxa uu kula kulmey meelihii oo kasoo shaqeeyey  ayaa ii sheegey inuu ganaax ku muteeysan gaarey erey uu u  isticmaaley madaxweynihii hore ee soomaaliya Sheikh Shariif ,maxey kula tahey ereygaasi !!!  ereygu waa mudane Shikh Shariif  !!! waxaa bahdii howlwadaaga ahaayeen uga digeen in mudane lagu daro madexweynaha maadaama ay iyagu u arkaan ereygaasi inuu yahey buunbunin!!

Meelaha lagu tilmaamo in warbaahinta xortahey waxaa ka jira warbaahin si gaar ah loo leeyehey ,kuwo axsaab leeyihiin, qaar  ganacsi u furan  iyo kuwo mucaarad sameystey  sida kuwa soomaaliya kajira kuwasi oo dhaliila wax ka sheega hanaanka siyaasada lkn majirto warbaahin ku xadgudubta xeerarka dalka iyo dadka ay la nooshahey, waana wada qirsanyihiin maqaamka madaxda iyo ilaalinta sumcada iyo sharafka dalkooda.

Lama inkiro karo cidna kama qarsoona in tacadi badan loo geestey saxafiyiinta soomaaliyeed qaar la diley  !! qaarna ka cararey dalka !!kuwa kalana joojiyeen mihnada saxaafada sideyda oo kale, laakiin saxafiyiinta soomaaliyeed  waxey iyana ku tacadiyaan xeerarka iyo dhaqan saxaafada iyo sidoo kale ilaalinta sharafka umada ay u shaqeeyaan.

Dhawaan ayeey aheed markii xabsiga loo taxaabey wariye c/caziiz koronto si wax looga weydiiyo  eedeymo loo jeediyey, xariga wariyaha saxaafada oo ka hadashey waxaan kala garanwayey in  saxaafadu laf ahaanteeda ay rabto cadaalad kala danbeyn, soo celinta sharciga iyo nidaamka iyo in aysan danba laheyn , waxaan arkey iyagoo leh “saxafiyiinta uu dowlada ka dalbadey in si deg deg ah loo soo daayo” webebka qaarna waxaan ku arkey saxafiyiin amar ku bxiyey in la sii daayo wariyaha “ waxaan ka yaabey in wariyaashu garan waayeen in  wariyihu yahey muwaadin lamid ah edeysanaasha maalin kasto lasoo xiro si baaritaan loogu sameeyo.

Saxaafada waxa ay ugu heeli kareen sxbkeen Abdiaziz markii ay baaritaan dhab ah  ku sameeeyaan  (investigative report) sababta loo xirey ,cida ka danbeeysa ,waxa sababey in mudadaas la heysto aadna u  lafa guraan,  suaalo weydiiyaan cida ay quseyso qoys iyo koox intaba ,iyagoo la tashi la sameeynaaya  xeeryaqaanada si loo helo daliilo cad cad uu ku filan in la muujiyo in wariyuhu aanu wax danbi ah laheeyn, hadii aanan sidaa yeelin waxaaan aaminsanahey ineeysan micno weeyn sameeyn doonin in maalinba koox wariyaal ah afka duubtaan iyagoo isla leh waa awoodiina ugu weyn iyo aamusin warbaahinta,waxaan aaminsanahey in awood intaaas ka weyn aad leedihiin waa hadii ad garoowsataan.

Waxaan qaba saxaafada soomaaliya ka jirto imiga intooda badan in aysan sheegi Karin amaba aysan soo bandhigi Karin xaqiiqda ay arkaan ama la kulmaan hadii uusan raali ka aheeyn milkiilaha idaacdaas oo laga yaabo inuu dano gaar ah ka lahaa aasaaska idaacada ha ahaato mid siyasadeed mid kale intaba.

Aan hadana markale idin su’aale miyaad madexbaaantihiin ? jawaabta aan ku degdego anoo adeegsanaaya qibradii aan u leeyehey 3 sano ee aan ka shaqeeyey, majiro wariye sheegi kara wax aanu raali ka aheeyn milkiilaha idaacada uu ka howlgalo ugu yaraan dadkii isku dayey sidaa waxey ku waayeen shaqadooda.

Waxaan la kulmey wariyaal farabadan oo weerer bareer  ah u geestey shaqsiyaad soomaaliyeed markaaan su’aaley sababta waxaan heley jawaabta ah “aniga waxba uma qabo lkn siyaasadeena ayaa sidaa ah”wariyaha ma qabo in wax laga sheego amaba la ceebeeyo qofka uu carabkiisa ku jaaifeeyey? Ma badaxbanaanyahey? maya maya maya sinaba uma madaxbanaan karo.

Ugu danbeeyntii aan codkeyga ku daro dadaalka lagu doonaayo in saxafiiyiinta soomaaliyeed la badbaadsho isla markaana si quman loogu sheego qaladaadkooda iyadoon la handadin lana dhibaateeyn.

Waxaan laamaha dowlada ka codsanayaa in xil weyn iskasaran ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta , gaar ahaan waxaan ku rajo weynahey in dowladu ka cadaalad fali doonto kiiska saaxiikeey C/caziiz iyadoo aan lagu xadgudbin xuquuqda shaqsiga .

Ugu danbeeyn waxaan leeyehey “mihnada saxaafadeena aan markaleeto dib u eegno “!!!!!!!

FG: Maqaalkaan cid gar ah maquseeyo waa aragti shaqsiyadeed waxaa ila haboonaatey in aan  tooshka ku ifiyo arintaaan si dadka xeeldheerayaasha ah ay wax badan uga qoraan si aanu u helno saxaafad run sheeg ah.

W/Q: Abas Abdi Mohamud

cabaascm@hotmail.com

Comments are closed