Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodi jeex oo Xilkii kala Wareegay Gudoomiyihii hore ee loo bedelay Gobolka Togdheer.
Hargaysa 10.Feb (SDN) Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamud Jeeni yare ayaa si rasmi ah Xilkii ugala Wareegay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Maroodi jeex,oo loo magacaabay Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje.
Xaflada ay labada guddoomiye xilalka kula kala wareegayeen oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha guddaha ee magaalada Hargaysa, waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha, labada masuul ee xilalka la kala wareegayay, xoghaya gobolka maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha guddaha, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, salaadiin, cuqaal iyo marti sharaf kale.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland Md Cismaan Garaad Soofe, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in labadan masuul xilalka kula kala wareegayaan in ay tahay mid ku cusub Somaliland isaga oo tilmaamay in aanay hore munaasibad noocan oo kale ah soo marin Taariikhda Somaliland .
Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa sidoo kale madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo} ku amaanay isku shaandhayntii uu ku sameeyay Gudoomiyayaasha Gobolada dalka, taasi oo uu ku tilmaamay talaabo dawladnimo oo hore loo qaaday isla markaana ay arrintani meesha ka saarayso qabyaaladii iyo Qof jeclaysigii.
guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi “xamarje” oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo masuul hore badhasaab uga soo ahaa gobol kale isla markaana aqoon iyo waaya aragnimo u leh xilka uu la wareegayo.
Waxa kale oo uu Md Xamarje ugu duceeyay masuulka cusub in uu Alle xilkaasi iyo masuuliyada uu qaadya u fudueeyo isaga oo shacbka ku nool gobolka Maroodijeexna ugu baaqay in ay sidii ay isaga ula shaqayn jireen iyo si ka sii fiican ula shaqeeyaan masuulka cusub ee loo soo magacaabay.
guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali “Xaaji jeenya yare” oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa u soo jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Maroodijeex iyo caasimada Haragysa in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay in uu si wanaasgan oo la mid ah sidii uu badhasaabkii hore ula shaqayn jiray iyo si ka sii wanagsan ula shaqayn doono dhamaanba masuuliyiinta ay wada shaqayntu ka dhaxayso.
Waxaa kale oo Munaasibada Xilwareejintan ka hadlay Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa C.casiis Maxamed Xaashi.
Hargaysa SDN.