Tababar ku Wajahan Sidii aanay Dugsiyada Waxbarashadu u Xidhmin Xiliyada Jiilaalka oo Degmada Faraweyne lagu soo gabo gabeeyay.
Faraweyne 10.Feb (SDN) Aqoon isweydaarsi lagaga hadlayay sidii loo samayn lahaa qorshe ku wajahan sidii dugsiyada Waxbarashadu aanay u xidhmi lahayn Xilliyada abaaraha ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Faraweyne .
Aqoon isweydaarsigan oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen Ururka Wadaniga ah ee Havayooko iyo Maamulka Degmada Faraweyne waxaa ka qayb qaadanayay Xubno ka kala socday deegaamo ka tirsan Gobolka Hawd iyo Jiida Degmada Fara Weyne .
Gudoomiyaha Degmadda Fara Weyne Faysal Maxamed Jaamac oo ka hadlay Xidhitaankii Tababarkan ayaa tilmaamay sidii loo dejin lahaa Qorshe dhamaystiran oo damaanad qaadaya inaanay dugsiyada Waxbarashadu Xidhmin Xilliyada abaaruhu jiraan waxa uu Gudoomiyuhu ku guubaabiyay ka qayb galayaashii aqoon isweydaarsigan in duruustii ay qaateen ay ku dabaqaan hawlaha Shaqo ee ay gacanta ku hayaan.
Mas’uul ka tirsan Ururka Wadaniga ah ee Havayoko oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Xubnaha Aqoon isweydaarsigan ka qayb galay ay ka kala socdeen Degmooyinka Faraweyne,Balli Cabane, iyo deegaamo kale oo ay ka mid yihiin Gunburaha,Bandar Wanaag,iyo Wado Makaahiil .
Faraweyne SDN.