|

Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo oo maanta ka furmaya Kismaayo

Kismaayo Feb 10 2013 (SDN)— Wararka laga helayo saakay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka furmayo shirka looga hadlayo maamul u sameynta gobolada Labada Jubo iyo Gedo.

Saraakiil ka tirsan Maamulk KMG ah ee ka arimiya Magaalada Kismaayo  ayaa sheegay in intabadan wafuudii ka qeybgaleysay shirkaasi looga hadlayo maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo ay tageen Kismaayo, waxana ay intaasi ku dareyn in wafuudii ugu danbeysay oo ka socotay gobolka Gedo ay shalay galinkii danbe ay halkaasi gaareen.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Magaalada saakay lagu arkayaa wado kaste Ciidamo ka tirsan kuwa Raaskambooni oo la soconaya dhaq dhaqaaq dadka iyo gaadiidka Magaalada.

Ka qeybgalayaasha shirka oo aan la shaacin ayaa waxaa kamid ah hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Modoobe, C/laahai Sheekh Ismaaciil Fartaag, xubno ka socda Ahlu Sunna, Xildhibaano iyo xubono kale.

Furitaanka Shirka ayaa la filayaa in ay ka hadlaaan Xildhibaano ka socda dowladda Soomaaliya, kuwasi oo ka soo jeeda gobolada Maamulka loo sameynayo, waxaana ay soo bandhigi doonaan Ra’yigooda ku aadan shirkan.

Dhan kale warar hoose ayaa sheegaya in hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe uu ku soo jeedo Magaalada Muqdisho ee Casimada Soomaaliya halkaasi oo ay ku casuuntay dowladda Soomaaliya.

SDN-Kismaayo

Comments are closed