|

Ra’iisul wasaaraha dalka Tunuusiya oo ku goodiyay in uu iscasilayo

Tunis Feb 10 2013 (SDN)– Xamdi Jebali, Ra’iisul wasaaraha dalka Tunuusiya ayaa ku hanjabay in uu is casili doono hadii Xisbigiisa Al Nahda iyo xisbiyada kale ay aqbali wayaan qorshe uu doonayo in uu wax uga qabto dhibaatooyinka ka jira dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Tunuusiya ayaa tilmaamay in todobaadyada soo aadan uu ku dhawaaqi doono golaha cusub ee wasiirada islamarkaana loo baahanyahay in ay ku qancaan dhamaan dhinacyada siyaasada iyo shacabka reer Tunisiya.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha dalka Tunuusiya ayaa imaanaya xili dalkaasi ay ka soconayaa dibad baxyo looga soo horjeedo dilkii loogeystay Hogaamiyihii Mucaadka dalkaasi oo lagu magacaabijiray Shokri Belaid.

Xukuumadda Tunis ayaa horay ugu fashilmatay wax ka qabashada xaaladaha dhaale ee dalkaasi ka jira iyadoo hadana ay ugu darsantay aminidaro xoogan.

SDN-Tunis

Comments are closed