|

Dahabshiiloow marka hore Xawaaladuhu ha wada shaqeeyeen,Mobileduna wey xigiye

London Feb 10,2013(SDN)-Kulan ka dhaca dhawaan Jaamacada Oxford oo lagu lafo guray sidii loo mideyn lahaa adeega isgaarsiinta gacanta ee geyiga Soomaaliyeed ayaa waxa hadal uu ka jeediyay Madaxa xawaalada Dahabshiil  Cabdirashiid Ducaale waxa uu ku dheeraaday ka hadalka baahida loo qabo wada shaqeyn dhexmarta shirkadaha Isgaarsiinta.

Cabdirashiid Dahabshiil oo khudbadiisa  ka jeediyay  kulan loogu magacdaray horukaca iyo sharciyeenta isgaarsiinta ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaalidu ay sameysay horumar baaxad leh,balse raaciyay baahida loo qabo islahadalka macaamiisha shirkadaha wada duwan ee Soomaalida.

Shirkadaha Qaar ayaa heshiis ay dawladu gacan ka geysatay waxa ay saamaxday in macaamisha shirkadaha qaar ay wada hadlaan.

“Ikasta oo tilaabooyin muhiima la qaaday hadana waxa jira baahi loo qabo in la xiriiriyo shirkadaha iyada oo loo daneynayo Macaamiisha.

“Faaiidada laga helayaana waa macruuf,waxa jira ilaa laba million oo ruux oo Soomaali ah oo heysta tilifoonada gacanta,dadka caadiga ahina waxa ay ka faaiideysteen isla hadalka dhexmara iyo xiriirka ay caalamka la leeyihiin”ayuu yiri Mr Dhabshiil.

Cabdirashiid Dahabshiil ayaa kiyoo hadalkiisa sii wata sheegay in”koboca isgaarsiintu ay dardargelisay ganacsatada,maalgashatada iyo gargaar bixiyeyaasha, ganacsatda oo qiimaha kala duwan ee badeecadaha kala socda,Dhakhaatiirta oo adeegyada ku soo bandhiga,isgaarsiinta iyo Internetka ayaa saameyn horukaca ku soo dabaalay nolosha Soomaalida”ayuu Cabdirashiid mar kale yiri.

Mar uu madaxa Dahabshiil ka hadlayay sida loogu baahan yahay in nidaamka dawladeed door ka ciyaaro wada hadalka macaamiisha shirkadaha Isgaarsinta ayuu yiri

“Dawlad Wanaag ayaa loo baahan yahay haatan wixii ka danbeeya si loo tiigsado qaan-gaar dhaqaale iyo heshiis dhexmara isgaarsiinta gacanta,waana doorka u banaan sharci dejinta, laakiin waa in si loo xifdiyo dareenka firfircoonida iyo ka ganacsi waa laga dhoowrsadaa in shuruucdu xadidaad noqdaan” ayu u Cabdirashiid Dahabshiil hadalkiisii ku soo koobay.

Hadaba kolka dusha laga eego waxa madaxa Dahabshiil ka hadlay waa mudo la hadal hayay,isagu haba u badnaado ka hadalkooda.

Madaxa Dahabshiil ayaa kolka laga yimaado af-gobaadsiga waxa ay aqoontiisa Ganacsi u saamexeysaa in uu si dhab ah u fahamsan yahay dhididika iyo dhaqaalaha gala in shirkaduhu noqdaan qaar ka miro dhaliya hadafkoodii gacanasi iyo ka adeega ay doonayaan in ay soo bandhigaan.

Sidoo kale waxa uu si wanaagsan u fahamsan yahay waxa ay ka dhigan tahay saamiga shirkad waliba ay ku leedahay suuqyada adeegooda u khaaska ah.

Dahabshiil waxa ay ka ganacsataa Suuqyada Xawaaladaha caalamka,kumana koona uun kuwa Soomaalida.

Bal ka warama hadii la isku dayo in iyada oo Shuruucda dal ama kuwa caalamka  loo maro in ay suuqa si siman ula wadaagto shirkad dhawaan la nanabay.

Waxaanu la wada soconaa in haatan ay jiraan shirkado Xawaaladeed oo aan laheyn macaamiil aan boqolaal ka badneyn.

Isweydii waxa ay ka dhigan tahay hadii la yidhaa waxa macaamiisha koobani ay lacagahooda ama ka diran karaan ama ka qaadaan karaan xafiisyada Dahabshiil ee caalamka oo idil.

Miyaanay Maalgashigii Dahabshiil ee sanadaha iyo juhdiga badani ay galeen ka dhigneyn bari kuma taalo.

Hadaba khudbada iyo damaca madaxa Dahabshiil hadalkiisu waxa uu u dhacayaa aanu u sinaano macaamiisha iyo maalgashiga shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta Soomaalida iyada oo ay ta Dahabshiilna ii gaar tahay.

Baahi balaaran oo loo qabo in nidaamka dawladeed uu la yimaado shuruuc waadaxa oo hagta ganacsiyada kala duwani waa ay jirtaa,balse waxa u baahan in la is waafajiyo danaha umamdeed iyo ta suuqyada xorta ah iyada oo aan cid gaar ahna loo xaglineyn.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed