|

Shirgudoonka Wakiilada oo Daboolka ka qaaday in aanay Jirin Maamuus ka Xayuubin ay ku Wadaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Hargaysa 09.Feb (SDN)  Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay Warar lagu faafiyay Warbaahinta Qaarkeed laguna sheegay in Golaha la hor keenayo Mooshin ka dhan ah Madax weyne ku xigeenka Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu waxa uu Saxaafada kula taliyay in aanay ummada u gudbin Warar aanay Xaqiiqadooda hayn.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada oo Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa Waxaa uu xusay inay arrintan u arkaan Mid lagu Shaabadaynayo Golaha Wakiilada isla markaana aanay Waxba ka jirin “Ilaa Xalay Telefoonka ayaa la igu soo weydiinayay wax Maamuus ka xayuubin ah oo Golaha Wakiiladu wadaan ma jirto,waxaan Saxaafadda kula talinayaa inay ka taxadiraan Wararka aanay Xaqiiqadooda Hubin,” Mudane Cali Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Yidhi “Saaka waad arkayseen Markii fadhigii Goluhu furmay cid hadal haysa ma ay jirin waxaan Shacabka Somaliland u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin arinkaas”

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada oo la weydiiyay Su’aal Nuxurkeedu ahaa Sida ay u arkaan Khilaafka Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ayaa Sheegay inaanay ka warqabin khilaafkas balse ay ka Maqleen Saxaafada oo hadal haysa,waxaanu intaas ku daray in Madaxweyne ku xigeenku hadii aanu sii sagootiyin Madaxweynaha aanay ahayn Wax laga Saso.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku xigeenka oo la  waydiiyay waxa ka jira warar sheegayay in shaqadii laga joojiyay Xoghayihii Guud ee Golaha Wakiiladda, C.risaaq Siciid Ayaanle ayaa si Kooban ugaga Jawaabay  “Maya waxba kama jiraan, arrintaas, Hasa yeeshee waxaan kuu sheegi karaa oo aan Ogahay in Xoghayaha Guud uu  fasax ayuu qaatay.”

Waa Markii u horaysay ee Shirgudoonka Golaha Wakiiladu ka hadlaan Mooshin la sheegay inay dabada ka riixayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka isla markaana la isla dhex marayay in Golaha Wakiilada Maanta la soo hordhigi doono.

Hargaysa SDN.

Comments are closed