|

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka oo ka warbixiyay Xisaab Xidhka Sannad Miisaaniyadeedka 2008 iyo 2009.

Hargaysa 09.Feb (SDN)  Hanti dhawraha Guud ee Somaliland Md. Maxamuud Aw/Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere) ayaa Golaha Wakiilada Xogwaran ka siiyay Xisaab Xidhka Miisaaniyad Sannadeedkii 2008 iyo 2009.

Fadhigan Waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro waxaanu sheegay inay Warbixin ka dhagaytaan hanti dhawraha Guud ee Qaranka.

Markaas kadib hanti dhawraha Guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw/Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere)  ayaa si faahfaahsan uga Warbixiyay Xisaab Xidhka Miisaaniyad Sannadeedkii 2008-dii ilaa 2009kii waxaanu Xusay in Labadan Sanad Miisaaniyadeed ay ku Shaqaysay Xukuumadii hore isagoo Sheegay in sida qaalibka ah ay miisaaniyadeenu ku salaysan tahay dekhli iyo Kharash,Waxaanu intaas ku daray in la gaadhi doono Xisaab Xidh Guud oo isku dhan ,kaas oo leh sida uu Yidhi in hantidu ka muuqato Xisaab Xidhka .

Waxa uu Hanti dhawraha Guud ee Qaranku ku dooday in dadaal badan oo ay sameeyeen ay u suuro gashay in ay si dhab ah u soo Xidhaan Labadaas Sannad Miisaaniyadeed.

Warbixintan Hanti dhawraha Guud oo dhinacyo badan taabanaysey ayaa Gabo gabadii waxa uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Sheegay in Xisaab Xidhka Miisaaniyad Sannadeedka 2008 iyo 2009 , loo gudbin doono guddi hoosaada la dagaalan musuqmaasuqa ee golaha si ay golaha warbixin uga soo siiso una deristo.

Hargaysa SDN.

 

Intaa kadib waxaa uu guddoomiyuhu ku wargaliyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada in maalinta beri goluhu cod u qaadi doono wax ka bedelka Xeerka wado marista oo ka soo noqday golaha Guurtida.

Comments are closed