|

Kulan looga hadlayay xeerka ay ku shaqeynayaan Isgaarsiinta iyo Warbaahinta dalka oo maanta Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Muqdisho Feb 09 2013 (SDN)— Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlaye xeerarka ay ku shaqeeyaan isgaarsiinta iyo warbaahinta Soomaaliya waxaana intii uu soconaye la isku dhaafsaday talooyin iyo fekrado ku aadan qaabka loo horumarin karo isgaarsiinta iyo warbaahinta Soomaaliya.

Madasha uu kulanka ka dhacaye ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Wakiilo ka socday Shirkadaha isgaarsiinta iyo qaar kamid ah wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay yoolka ay ka leeyihiin kulankani ay soo agaasimeen oo uu xusay in looga hadlayo horumarinta Isgaarsiinta iyo warbaahinta isaga oo hadalkiisa ku daray inuu socon doono muddo labo cisho ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Ibraahin Isaaq Yaroow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in fekradaha kasoo baxa kulankani oo ka qeybgalayaasha ay isku raacaan ay ka doodi doonaan Wasiirada Soomaaliya kadibna loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa iminka ku dadaalaysa sidii loo horumarin lahaa isgaarsiinta iyo warbaahinta dalka Soomaaliya oo iminka la jaanqaadaya technolijiyada caalmka ee hormartay.

Comments are closed