Dagaaladii u dhexeeyay ciidamada Faransiiska ee ku sugan Maali iyo Islamiyiihnta oo siisocda
Faransiis Feb 07,2013 (SDN) Wasiirka gaashaandhiga ee wadanka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay ciidamada dalkiisu in ay dagaal dhab ah ay kula jiraan argagixiso ka dagaalamaysa agagaarka magaalada Gao,ee wadankaasi Maali.
Kooxaha mintidiinta ah ayaa bishii hore laga saaray magaalada magaaladaasi Gao, hase ahaate wasiirka gaashaandhuiga ee Faransiisku
waxaa uu sheegay in iska horimaadyo ay ka socdaan mandaqadaasi.
Ciidanka wadanka Faransiiska waxay tageen wadanka Maali bishii hore, si ay ula dagaalamaan maleeshiyoouin xidhiidh la lah al-Qaaciida ,
kuwaasi oo haystay dhinaca woqooyi ee Maali.
Xukuumda Baariis waxay sheegtay in ay doonayso ciidankooda gaadhaya afarta kun ee askari in ay la baxdo bisha Marij ee soo
socota.
Falaagada reer Maali waxaa laga wada saaray badi magaalooyinkii ay ka talin jireen eek u yaala dhinaca woqooyi ee Maali.
Wajigii hore hawlgalka ciidamada Faransiisku ay ka wadeen wadanka Maali ayaa dhamaaday, kaasi oo saraakisha ciidamada Faransiisku ku
tilmaameen inuu ahaa mid lagu guulaystay.
Kooxaha mintidiinta ah ayaa loo maleynayaa in ay ku dhuumanayaan dhulka buuralayda ah ee Adrar des Ifoghas. Hatana wasiirka difaaca
ee faransiisku waxaa uu sheegay in agagaarka magaalada Gao ay ka jiraan dagaalo wax iska cabin ah oo ayn wadaan kooxaha mayalka adagi.
SDN-Paris
contact@somalidiasporanews.com