Nigeria Iyo Borkina Faso oo Guryahoodii u Kala Haajiriyey Mali Iyo Ghana (Cup Of Nations 2013 Semi Finals) By Jaahuur.
Moses Mabhida Stadium,Durban-Feb-06-2013,qurbejoognews.com.
Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku jaleecayna dabcan koobka horyaalka Afrika Cup Of Nation oo lagu kala faataxaystey.
Waxaa maanta oo arbaco ahayd Feb 06 foodda isla galay Borkina faso vs Ghana iyo Nigeria vs Mali.
Haddaba haddii anu soo qaadanao ciyaatii ugu horeysey oo runtii aad iyo aad u xiisa badneyd waxay dhexmartey Ghana iyo Borkina Faso waxaana ka soo qybgaley dadweyna aan la qiyaasi karey iyo dabcan taageerayaasha labda dhinac oo udbahoodii iyo dhigahoodii wata.
Yaana runtii hadal kugu daaline ciyaartu waxay ku bilaabantey weerar aan kala g’o lahayn,isku dhiidhbid deg-deg ah walow ay Borkina faso badanka garoonka xukumisey %56-per.
Saaxiibayaal qeybtii hore ee ciyaartu waxaa daqiiqaddii 13-aad Ghana u suurtoobey iney helaan Penelty ama rigoore waxaana u xaqiijiyey Mubarag Wakaso oo runtii xulkiisa soo gaadhsiiyey Semi Finalka.
Qeybtii dambe ee ciyaarta oo runtii xulka Borkina Faso oo xukumaada garoonku gacanta u gashey ayaa dhamaadkii ciyaarta la soo sinmeen waxayna ku dhamaatey 1-1- 90-kii daqiiqo ee ciyaata loogu talagalay.
Asxaabtay 120-tan daqiiqo oo waxba lakala dhalinwaayey waxaa loo dhigey Rigoorayaal ama Penalties 3-2 Borkina Faso ayaa ku badisey Final-na u soo baxdey waxayna foodda is dari doonaan Nigeria.
Ciyaartii kale waxay dhexmartey Nigeria iyo Mali oo runtii aad u caajis badneyd waxayna Nigeria ku badisey 4-1,Maalina way ka shubtey.
W/ Qorey Jaahuur
qurbejoognews.com