|

Maraykanka oo walaac ka muujiyay xukunkii Wariye C/casiis Koronto

Washington Feb 06 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed ay soo saartay Afhayeenada Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka Vitoria Nuland ayaa waxa ay ku sheegtay in Maraykanku uu ka walaacsanyahay go’aankii shalay Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku xukuntay Wariye Koronto iyo Haweyney sheegtay in la kufsaday.

“Waxaan si qoto dheer leh uga walaacsanahay go’aankii Maxkamadda Muqdisho ay danbiga ku heshay kuna xakuntay min halsano oo xabsi ah  haweyney 27-sano jir ah oo sheegtay in la kufasaday iyo saxafigii wareystay.” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu sheegay “Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay wararka sheegaya in si aan wanaagsaneyn loo dhaqmay iyo in hadadaad la geystay intii ay socotay Maxkamadda.”

Vitoria Nuland ayaa ku tiri Warsaxaafadeedkan “In la xushmeeyo Xaquuqda Haweynka iyo Saxaafadda waxa ay Asaasi u tahay in la hubiyo hormar xoogleh oo laga gaaro, daganaansho iyo dimoqoraadiyad Soomaaliya.

Ugudanbeyn Warsaxaafadeedka  ayaa lagu sheegay in walaaca maraykanka loo gudbinayo dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato arrintaani islamarkaana la tixgaliyo xuriyada saxaafadda iyo haweynka iyadoo loo hogaansamayo sharciga.

Comments are closed