Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xoolaha oo Hargaysa ku soo gabo gabeeyay kulan lagaga hadlayay Ilaalinta Fayadhawrka Saribadaha.
Hargaysa 06.Feb.(SDN) Shir Hawleed socday muddo labo cisho oo lagaga hadlayey kor u qaadista fayo dhowrka sariibadaha hilibka ee caasimadda ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey hotel Maansoor ee magaalada hargaysa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaananada xoolaha Md Maxamuud axmed Cagaweyne oo soo xidhay kulankaasi oo ay ka qayb qaadanayeen hawlwadeeno ka kala socday Wasaaradda xanaanada xoolaha, ururka hilibka caasimadda ee Nafaqo iyo shaqaalaha DHH qaarkood ayaa Md cagaweyne waxa uu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay natiijada ka soo baxday kulanka iyo hanaanka lagu hagaajinayo 17-ka sariibadood ee hilibka caasimadda lagu isticmaalo.
Agaasimaha guud waxa uu ballanqaaday in wasaarad ahaan ay ku talo jiraan inay taageeraan cid kasta oo isu taagta hagaajinta saxada hilibka iyo deegaanka lagu iibiyo sida sariibadaha.
Gudoomiyaha iskaashatada Nafaqo Md Dayib Cumar kaahin oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa waxqabadka loola diyaar yahay sariibadaha uga mahadceliyey xukuumadda iyo hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO.
Hargaysa SDN.