Dalad Cusub oo la magac Baxday (Somaliland United Forum) oo laga dhawaqay wadanka Ingriiska Casimadiisa London
London 06Feb13(qurbejoog)waxa habeenkii xalay ka dhacay caasimada wadankan london shir balaaran oo ay isku yimadeen aqoon yahano somaliland oo isagu jira siyaasiyiin iyo xisbiyada qaranka somaliland oo ay uga hadleen danta guud ee wadanka ay marayso iyo sidii loo heli lahaa badbaado qaran shirkan oo ay ka soo qayb galeen sadexda xisbi qaran iyo ururadii ku haray tartankii doorashada ayaa waxa laga dhawaqay Dalad cusub oo ay ku miday san yihiin aqoonyahanadan somaliland ee ku sugan Uk daladan oo loogu magac daray Somaliland United Form ayaa waxa ay ka hawl gali donta wadanka gudahiisa iyo dibadiisa waxanay diyaarinaysaa ajande balaran oo aqoonsiga somaliland loogu dooni lahaa iyo sidii ay is badal ugu samayn lahayd wadankii xaga siyaasada arimaha dibada.gaba gabadii ayaa waxa lagu doortay gudoomiye iyo laba gudoomiye ku xigeen iyo xoghayntii oo sidan aan idinku soo xusi doono magacyadooda .
Dalladan oo ujeeedada ugu muhiimsan ee loo sameyay ay tahay sidii quluubta iyo Bulshadda reer Somaliland loo miidaynlahaa maadama doorashadda Golaha degaanka ee dhawaan dhacday ay kala fogeysay Bulshaddii reer Somaliland. Haddaba ujeedooyinka Dallada Somaliland United Forum (SUF) ayaa sidan ah:
1. Kashaqaynta Midnimadda iyo jiritaanka Qaranimadda Somaliland
2. Kashaqaynta Xaqsoorka iyo tiirarka Cadaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland kutaagantahay
3. Kashaqaynta Gooni istutaaga Somaliland iyo Ictiraafraadinta Somaliland.
4. Toosinta iyo tilmaaminta xukuumadda Somaliland wixii kaqaloocan.
5. Kashaqaynta iskuxidhka Bulshadda( Saboolka ilaa taajirka), kuna dhiirigalinayna In Tujaartu caawiso dadka Saboolka ah ee shacbiga reer Somaliland
Dalladan oo ah Dallad ay usimanyihiin shacbiweynaha reer Somaliland ayaa waxaanu Bulshadda reer Somaliland ugu baaqaynaa in nagalasoo qaygalaan fikirkooga iyo arigtoodana nala wadaagaan.
Email Dallada. Somalilandunitedforum@gmail.com
1-Gudoomiyaha Ururka ku meel Gaadhka Mudane Emsadoor:Cabdifataax Siciid Axmed .
2-Gudoomiye ku Xigeen:Mudane Cabdilaahi Saleebaan Warsame.
3-Gudoomiye ku Xigeenka Labaad .Mudane Najax Tulux
4-Xoghayaha Guud :Mudane Ibraahin Ducaale Talaabo
5-Afhayeenka Ururka :Ibraahin Dakhare
6-Gudoomiyaha Abaabulka iyo Xidhiidhka :Mudane C abdiqaadir Cabdiraxmaan (Cabdiqadir Wadani)
7- Madaxa Maaliyada Ururka Marwo Rooda Cusmaan Mustawi
Xubnaha ururka oo dhamaan shacabka reer somaliland ee qurbejoga ay u furan tahay inay xubno ka noqdaan ,waxanay ugu baqeen in ay dhawaan qaban donaa shirwayne qaran oo ka dhici doona london .