|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka dalbaday Oradyahan Mo Farax in uu ka qeybqaato dib u dhiska dalka

London Feb 06 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waraysi uu siiyay Wargeyska Daily Telegraph ee dalka UK kasoo baxa kaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Soomaalida ku nool dalka ingiriiska ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayo in dowlada Ingiriiska ay ka caawiso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda ,sida lagu daabacay wargeyska The Telegraph.

Madaxweynaha wuxuu kale oo sheegay in dowladiisa fursad ay heysato soo celinta nidaamkii ka jiray dalka Soomaliya, oo muddo 22 sano dagaalo sokeeye ay ka socdeen.

Wargeyska Telegraph ayaa daabacay in Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu sheegay in shirka London uu noqon doono mid dib loogu soo celinayo nidaamkii dalka Soomaaliya waxbarashadii iyo caafimaadka.

Madaxweynaha dalka ayaa ugu baaqay orodyahanka Soomaaliyeed ee u orda Ingiriiska Mofarah inuu dalka dib ugu soo laabto si uu kaga qeyb qaato dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya.

“Dadka sida Mo Faarah ,door muhiim ah ayay ka qaadan karaan dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya, Mo Farah isna door muhiim ah ayuu ka qaadan karaa,waliba dadka yar waana waqtigii loo baahnaa”ayuu yiri Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Comments are closed