Xoghayaha Guud ee Q/M oo walaac ka muujiyay Xukunkii Wariye C/casiisk Koronto
New York Feb 06 2013 (SDN)– Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku biiriyay codkiisa walaaca iyo niyad jabka xukunkii maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay hal sanno oo xariga ah Wariye C/casiis Koronto iyo Haweenay sheegtay inay kufsadeen ciidanka Dowladda Somalia.
Bishii lasoo dhaafay ayaa ciidanka Booliska Somaliyeed ay xereen Wariye C/casiis Koronto iyo haweenay sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda taas oo ku nooleed Kaam barakac oo ku yaallo Tarabuunka ee degmada Hodan.
Wariye C/casiis Koronto ayay dowladda Somalia ku eedeysay inuu abuuray oo dhacdo aan jirin iyadoo Wariye C/casiis Koronto kaliya uu wareystay Haweenaydaan oo u sheegtay in la kufsaday islamarkaasna uusan sii dayn waraysigaas waxaana ugu dambeyn maxkamad heer gobol ah ay Shalay ku xukuntay Koronto Xabsi dhan hal sanno.
War saxaafadeedka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay inay ka digeyso Qaramada midoobay oo ay ku celineyso arrinta la xiriirta kufsiga iyo tacadiga lagula kaco haweenka ku nool kaamamka si dhibanaha ,goob joogaha iyo xubnaha qoyska ay ugu dhiiradaan inay ka hortagaan falalkaas.
Zainab Hawa Bangura,oo Madaxa Qaramada Midoobay ee kufsiga iyo tacadiyada ayaa horey ugu hadashay arrinta la xiriira xariga Wariye C/casiis Koronto iyo Gabadhi dhibanaha ah ee sheegtay inay kufsadeen rag ku labisnaa dareeska ciidanka islamarkaasna sheegtay in si sax ah loo baaro cadaalad wanaagsana ay helaan Wariye C/casiis Koronto iyo haweenayda kale , waxaana maalintii shalay xukunkii maxkamadda Gobolka Banaadir lagu tilmaamay mid la hareer maray sharciyadda.