Ra’iisul wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baladweyne
Baladweyne Feb 06 2013 (SDN)– Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo siweyn ay ugu soo dhaweeyeen Ciidamada Jabuuti iyo maamulka dowladda ee gobolkaasi.
Wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/shakuur Cali Mire,Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandigga,Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna dalka Jabuuti.
Wafdiga ayaa la filayaa in ay la kulmaa dhinacyo badan oo gobolka Hiiraan ka tirsan.