|

Maraykanka oo u ololeenaya in Xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya

New York Feb 06 2013 (SDN)– Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters Saraakiil iyo Diplomasiyiin ka tirsan Wadamada Galbeedka iyo Maraykanka oo ka gaabsaday Magacyadooda ayaa waxa ay sheegeen in golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kulamadooda ugu soo horeeya ay kaga hadli doonaan xayriaada hubka ee Saaran Soomaaliya.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in Maraykanku uu taageerayo codsiga dowladda Soomaaliya ee ay soo taageereen wadamda gobolka, Midowga Africa iyo dowladda Soomaaliya.

Maraykanka ayaa hadii uu taageero in la qaado xayiraada hubka Soomaaliya waxa ay u badnaan doontaa in goluhu uu isku raaco madaama uu miisaan culus ku dhexleeyahay golaha Amaanka Qaramada Midoobay.

Warkan ayaa daba socda hadal dhawaan uu k dhawajiyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ku aadanaa in golaha Amaanka uu dib u eegis ku sameeyo Xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Comments are closed