Axmedi Najad oo markii ugu horeeyay tagay Masar iyo soo dhaweyn uu ka carooday oo uu kala kulamay dadka Masaarida
Qaahira Feb 06 2013 (SDN)– Maxamuud Axmedi Najaad ayaa noqday Madaxweynihii uhoreeyay eeIranah oo booqda dalka Masar tan iyo markii kacdoonka Islaamiga ah uu la wareegay Iraan sanadkii 1979kii.
Mr. Axmedi Najaad ayaa u tagay Magaalada Qaahira in uu ka qeybgalo Shirka wadamada Islaamka ee OIC kaasi oo maanta ka furmaya Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar.
Markii uu tagay Najaad Magaalada Qaahira ayaa waxaa soo dhaweeyay Dhigiisa Maxamed Mursi waxaaana ay kawada hadleen sidii loo dhameyn lahaa dhiiga ku daadanayaSyriaiyo xiriirka labada dal.
Madaxweynaha dalkaIranayaa booqday Masjid ku yaalla Magaalada Qaahira halkaasi oo Nin ku sugnaa uu tuuray Kab taasi oo keentay in uu xanaaqo Madaxweyne Najaad oo isagoo faraxsan soogalay Masjidka.
Ninkii Kobta ku tuuray Madaxweynaha Iraan ayaa laxiray waxaan la sheegayaa in uu muteysan doono ciqaab adag madaama Carabta ay aamin sanyihiin in xurmadaro ay tahay qofkii qofkale kob kutuura.